Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashaatooyinka Soomaaliyeed ayaa maanta gaarsiiyay deeq isugu jirta jawaano faaruq ah iyo dawooyin wax loogaga qabanayo fatahaada wabiga Shabeelle maamulka gobolka Sh/dhexe.
Guddoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed Maxamed Abuukar Afrax oo ka hadlay munaasabada guddoonsiinta deeqda ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ay dhaqdhaqaaqa dhexdooda iska soo ururiyeen ayna ahayn tii ugu dambeysay ee uu ururka soo gaarsiiyo gobolka Sh/dhexe.
Guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdqadir Cabdulle Buurfuule ayaa u mahadceliyay ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed deeqda ay soo gaarsiiyeen walaalahooda gobolka Sh/dhexe.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe
Muxumad Sugaal Cismaan ayaa ku tilmaamay deeqdan inay tahay mid ay ku faraxsan yihiin maadaama dad Soomaaliyeed ay soo gaarsiiyeen oo aysan ahayn deeq wadamo shisheeye laga keenay.
Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay munaasabadan kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ku tilmaamay dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed xoogga wadanka, waxana uu ugu baaqay ururada kale ee dalka ka jira inay ku daydaan ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here