Madaxda Guddiga Iskaashatooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa booqasho ku tegey degmada Jowhar ee xarunta dowlad goboledka Hirshabelle iyagoo la kulmay qeybaha kala duwan ee Iskaashatooyinka Gobolka Sh/dhexe.
Mas’uuliyiintan oo uu horkacayay guddoomiyaha iskaashatooyinka Qaranka Cadceed Cismaan Shuuriye ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee ururka iskaashatooyinka qaranka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintan ka socotay Iskaashatooyinka Qaranka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle guddiga iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe.
Guddoomiye ku xigeenka iskaashatooyinka gaadiidka gobolka Sh/dhexe Xaaji Axmad Maxamuud Axmed oo ka hadlay soo dhoweyntan ayaa u sheegay madaxda iskaashatooyinka qaranka in gaadiidka gobolka Sh/dhexe ay dhibaato ku hayso wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho waxaana uu xusay in gaadiidka waaweyn ay labo maalmood u socdaan gaadiidka waaweyn magaalada Muqdisho oo 90km oo kaliya ujirta magaalada Jowhar.
Sidoo kale kulankan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha iskaashatooyinka beeraha degmada Balcad Sheekh Cismaan Mustaf waxaa uu ka xusay in iskaashiga uu yahay mid aad u wanaagsan,,isagoo u mahadceliyay iskaahatooyinak qaranka oo hore uga qabtay howlo kala gedisan sida dayactir lagu sameeyay biyo xireenka Balcad.
Guddoomiyaha Iskaashatooyinka Hirshabelle Cali Seexde oo ka hadlayay munaasabadii lagu soo dhoweynayay wafdigan ayaa sheegay in loo baahan yahay in iskaashatooyinka ay ka qeybqaataan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho illaa iyo degmada Beledweyne.
“Waa inaan ku dhisnaa wadada Dhiso Jidkaaga Dhiso Dalkaaga, qofkii hal dolar bixinaayo qofkii ka badan bixinaayo waa lagu dhisi karaa wadada ee yaan la sugin gacmo shisheeye,”ayuu yiri guddoomiyaha iskaashatooyinka Hirshabelle.
Guddoomiye ku xigeenka labaad iskaashatooyinka qaranka Axmed Maxamed Abuukar oo munaasabadan ka hadlay ayaa mahadcelin kadib waxa uu sheegay in uu dhamaaday khilaafkii u dhexeeyay guddiga iskaashatooyinka qaranka ayna bilaabeen inay booqdaan gobolada dalka.
Gabagabadii kulankan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha iskaashatooyinka Soomaaliyeed UDHIS Cadceed Cismaan Shuuriye waxana uu u mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay magaalada Jowhar waxana uu xusay in ay mudada ay joogaan gobolka Sh/dhexe ay kulamo la yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle.

UDHIS Information Office
Mogadishu – Somalia
E-mail: info@udhis.net
Web: www.udhis.net
Twitter: @udhissom
Facebook: @udhissom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here