Iskaashatada Al Naciim oo ka mid ah Iskaashatooyinka ka dhisan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa si rasmi ah ugu guuleysatey in buur weyn oo loogu talo galay ka hortago fatahaada webiga sameyso, kadib markii sanadkii hore uu qasaarooyin xoogan geystey.

Iskaashatadan ayaa muruq iyo maskaxba isugu geeyey sidii ay isaga xeri lahaayeen webiga oo ay suuro gal tahay in xilliga Guga roobabka da’aya ay dhaliyaan waxyeelo.

Dhul Cabirkiisu dhan yahay 120 Mitir ayaa lagu guuleystey in Carro tuurka laga sameeyo, sida lagu xusey warbixin howleedka Iskaashatada ee la soo gaarsiiyey xafiiska ururka dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee (UDHIS).

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Iskaashatada ka Caawiyay sedex meelood hal dalool qarashka ku baxay fulintani howshani oo si weyn ay u soo dhoweeyeen dadka ku dhaqan Tuulada Bey Xaawo, sida uu sheegey Gudoomiyaha Iskaashatada Axmed Qaasin.

“Waxaa jira dhul banaan oo u baahan in Jawaano iyo Carro tuur la dhigo, si looga hortago ama loo yareeyo qasaaro ka yimaada webiga” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Si kastaba, Dadaalkan ay sameeyeen Iskaashatada Al-Naciim, waxa uu qeyb ka yahay dadaalada ay ku howlan yihiin Iskaashatooyinka kala duwan.

UDHIS MEDIA

Info@udhis.net

Jowhar, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here