Beeraleyda ku dhaqan Gobolka shabeelaha dhexe ayaa  wada u diyaar garowga Xilliga Guga, ka dib markii xilliga Deyrta uu si aad ah u yaraa wax soo saarka dhinaca beeraha isla markaana ay Da’madu si aad ah u yarayd.

Wakiilka Iskaashatooyinka Gobolka shabeelaha dhexe  Cismaan Nuur Ibraahim ayaa shaaca ka qaaday in la gaaray Xilliga Guga isla markaana beeralayda looga Baahan yahay in ay u diyaar garoobaan xiiliga .

Cismaan Nuur  ayaa beeraleyda ku dhaqan Gobolka Gaar ahaan kuwa degmada Jowhar waxaa uu si aad ah ugu adkeeyey maadaama xilligii Deyrka aan la helin Raxmadii xagga Rabi laga filaayay ayaa waxaa uu u sheegay in Raxmadda Rabbi aanan marna laga quusan .

Dhinaca Kale  wabiga shabeelle  oo aan Lahayn wax biyo ah  ayaa waxaa suurogal ah in Xilliga Guga haddii ay raxmad da’do in uu biyo keeni doono , sidaasi darted waxaa Lagama maarmaan ah ayuu yiri Wakiilka Ururka Iskaashatooyinka Gobolka in la diyaariyo Kanaalada si looga Faa’ideysto Mudada uu soconayo wabiga shabeelle waxaana uu Guddiyada kala gedisan ee Kanaalada ay ku waraabaan Beeraleyda Gobolka Gaar ahaan kuwa degmada Jowhar in la diyaariyo dhamaan Kanaalada Degmada .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here