Waxaa sare u kacay ku yimid qiimaha lagu kala iibsado kalluunka Nuucyadiisa kala duwan ee Suuqyada magaalada Muqdisho,taasi oo saameynteed laga dareemayo bulshada dhexdeeda.

Qiimo kororkan ku yimid Kalluunka ayaa ka dambeeyey markii ay bilowdeen mowjido dabaylo ah oo ku dhufta deegaan Xeebeedyada Muqdisho,kuwaasi oo saameyn ku yeeshey wax soo saarkii Kalluunka.

Wariyaasheena ayaa booqday Suuqa lagu iibiyo Kalluunka ee kuyal degmada Xamarweyne ee Muqdisho,waxaana iskaashatooyinka Kalluunku ay sheegayaan in sare u kacaasi loo aanaynayo dabaylahaasi iyo isbedel ku dhacay Cimilada Badda,taasi oo keentay in uu hoos u dhoco wax soo saarkii Kalluunka.

Xoghayaha iskaashatada Dan kulmis Muuse C/casiis Xaaji (Dhurow) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashey dabaylahaasi,isagoo xusay in ay jiraan doonyo badan oo khasaare uu ka soo gaaray isbedelkaasi ku dhacay jawbiga Badda.

“Waxaa ka dhashay dabeylahaasi khasaaro isugu jira naf iyo maalba ,waxaana ilaa iyo haatan la la’yahay doonyo kale oo dhowr,kuwaasi oo ay wateen iskaashatada Kalluunka,kuwaasi oo xiligaasi k u guda jiray baadi goobka noloshooda”, Ayuu yiri Xoghaye Muuse.

Dhanka kale qaar ka mid ah iskaashatooyin iyo ganacsatada kalluunka ayaa sheegay in ay dareemayaan saameynta ka warbixiyay saameynta ay ku yeesheen dabeylaha ku dhuftay xeebaha Soomaaliya waxaana ay sheegayaan in si weyn ay u dareemeen dhibta dabeyluhu sababeen.